"Fikrad ayuu rumeeyaa ruuxu heer uu ku lumo oo la kala sooci waayo kooda ka kale ruuxda galiya"
Waayo & Warkii
Weedho & Waacaalkood




Aniga
"Nin is faaniyay waa ri is nuugtay" ruux rumaysani iskama warrami karo. Haddayse ka tagi waydo dhawrkan xaqiiqo ayaan sheegi:
​
Cabdillaahi Raage waa magacayga, "Sayidka" weeyi naanaystayduna, Boorama waa magaalada aan ugu dhashay Sheekh Cabdiqaadir iyo Sheeka Faadumo oo labadooduba ka dhashay laba qoys oo beeralay xoolo-dhaqato deggan ah, reer baneedna wada ah, waa reer Sheekh Jaamac Raage iyo reer Xaaji Axmad Cumar.
​
Tacliin ahaan, Hingaadda labadeedaba caynba waan ku bartay. Ta Soomaaliyaysan ee "Alif la kor dhabay" iyo teeda Carbiyaysan ee "A fatxa aa". Nasiibkan waxa i siiyay in aan malcaamad iyo madarasadba maray, loox iyo buugba u Quraan qaatay oo aan khadka ku dhigay looxa, ka leefay musxafna qalinka ku calcalaamadaystay.
​
Hoose, dhexe iyo sare dugsigaygu wuxu ahaa Ubaya Ibnu Kacab - Boorama, Jaamacadda Camuudna waxa aan ka bartay Dhaqaalaha. Daraasadaha Islaamka iyo Afka Carabiga iyo Saxaafadda ayaa ka mid ah aqoonaha kale ee aan bartay.
​
Warfidiyeen, macalin, maamul iyo tifaftire guud xirfado ay ka mid yihiin waan ku shaqeeyay, xirfaddayda hadda se ugu mudan waa turjume (buugaagta iyo qoraallada).
​
Fikirrada qof waa isbadal u joog, xilligan aan noolahay, mabda'yo dhawr ah ayaa jaangooya fikirayga. Waxa ay kala yihiin: Rumaysnanta buuxda ee Islaamka diin ahaan. Ku qanacsanaanta Ummadnimada Soomaali. Lama-taabtaannimada gobonimada oo keensanaysa in gumaysi lid lagu ahaado. Biyo-kama-dhibcaannimada dimuqraadiyadda. Lama-hurraanimada caddaalad bulsho dhaqaale ahaan.
​
Degelkan qormooyinka iyo muuqaallada aad ugu iman doonto, waa kuwo wakhtiga ku kala tagsan, waxana ka asal ah oo aan ku go'aa marka isdhaaf yimaaddo ka danbeeya taariikh ahaan.
​
