top of page

CODKAYGA, XULASHADAYDA

  • theabdillahiraage
  • May 4, 2021
  • 3 min read

Updated: Jun 18, 2021

31 bishan May ee maanta 5 ta ah, Soomaalilaan waxa looga dareeri doonaa doorasooyin Wakiillo (aqalka hoose ee baarlamaanka) iyo Deegaan oo isku sidkan. Golayaasha deegaanka ee la dooran doono waxa ay dooran doonaan maayirrada degmooyinka oo ah ragga xukuma magaalooyinka aan adeeg, kaabayaal iyo bilic xumada ugu noolnahay.


Dad badan ayaa sharraxan, xisbiyo ka sharraxan, maanta se xulashada xisbiga xulashada qofka ayaa ka horraysa. Xilliyadan oo kale waxa aad u soo if baxa doodda ku sahabsan waxa lagu xulanayo cidda codka la siinayo. Tayo iyo waxtar in ay ku habboontahay xulashadu doodi kama taagna, waxa se ay dooddu u dhaxaysaa laba talo; b) Sida dhacda abtirsi ayaa lagu codeeyaa, waaqaca oo sidaas ah awgeedna waxa saxsan in abtirsi loo codeeyo, haddii kale codkaagu bilaa qiimo ayuu noqonayaa. t) In abtirisi lagu codeeyo waaqaca awgii waxa ay joogtaynaysaa dookh la'aanta qofka iyo hayb codaynta, si isbadal u dhacana waa in dadku doorkan oo dadbadan oo tayo lehi sharraxnyihiin xulasho codeeyaan.


Labada talo midna sideeda uma qaldana, midwalba gaabis gooni ah ayay se leedahay. Ta hore qofka codbixiyaha ahi xataa dookh kuma laha xulista cidda uu u hayb codayn doono sidaas ayuu codkiisu ku qiime tiranyahay, ta danbana si qof loogu xulasho codeeyo, maaha in uu maalinka ololaha uu bilaabo i xusha la yimaaddo, shaqo baaxad leh ayaa ka horraysa. Gaabisyadaa ka sokow waxa jira cillado nidaamka siyaasadeed ee dalka ku jira oo xakamaynaya dookhyadani in ay hagaagaan. (faallada koobaad ka eeg).


Murganaantani waxa ay keentay in dad badani ka hadhaan cod bixinta. Dadkaas waxa qayb wayn ka ah kuwa jeclaan lahaa in ay xulasho codeeyaan oo mabda'yo iyo barnaamijyo kala doortaan. Kuwa aragtida B qaba ayaan ku jiray 2010kii, wixii ka horreeyay mawjadda ayaan la codayn jiray, 2012 kii ayaan se kuwa danbe ku soo biiray, in aan cod bixiyo iska daa e, guriga kama soo bixin maalinkii codbixinta.


2017 kii aayaan se taladayda badalay, halka aan dookh igu habboon oo mala'awaal ah ka raadinayo waxa aan goostay in aan dookhyada jira kala xusho oo haddaan waayo wax aan rabo oo aan u codeeyo aan ku go'aan qaato waxa aan diiddanahay in aan ka codeeyo. Ugu yaraan ciqaab codeeyo. Muuse ayana ka codeeyay 2017 kii, mar kasta oo aan arko tallaabooyinka uu qaadayana codkaas waan ku farxaa, kursiga in aanu codkayga ku taginna damiirkayga way u roontahay.


Maantana waa doorasho kale iyo dookh kale. Musharrixiinta badanna waxa ay suuragalinyaan in ciqaab codaynta aan uga dallaco xulasho codayn. Taladayduna waxa weeyi in ay waajib saaran tahay cid kasta oo qabta in la xulasho codeeyo, maanta in ay ugu yaraan iyadu xulasho codayso, suurtagalnimada halkudhagyada muujiso, ka go'naateedana caddayso. Anna waatan caddayntaydu.


Qof walba doorkan laba cod ayuu leeyahay, mid Wakiil iyo mid Deegaan. Dalka laba magaalo ayaa qaybsaday noloshayda, aan degay, ku cashuur bixiyay, ka codeeyay oo aan dareen lecejeclo u hayaa. Waa Boorama iyo Hargaysa. Codkuna waa masuuliyad iyo marag kac e, waxa aan xushay oo aan halkan ku xisu 4 qof. Mid golaha deegaanka ee Hargaysa u taagan, mid golaha wakiillada ee Maroodijeex u taagan, mid golaha deegaanka ee Boorama u taagan iyo mid Wakiillada Awdal u taagan. Labada hore, haddii aan Hargaysa ka codaynayo waa kuwa codkayga leh, Labada danbana waa haddii aan Boorama ka codaynayo kuwa codkayga leh.


DEEGAANKA HARGAYSA waxa codkayga leh Abdikarim Ahmed Mooge. Mooge inta xubinnimada golaha deegaanka ee Hargaysa rabta, doonistooda Maayirnimana caddaysay ayuu agtayda ugu cadcadyahay. Olole dheer oo uu arrinkan ugu soo jiray ballanqaadyo badan ayuu ka sameeyay, ka go'naanna wuu muujiyay sidaas ayaan ku xushay.


DEEGAANKA BOORAMA: Mahmoud Sheekh ayaa xulkayga ah. Nin aan karti iyo garasho ku ogahay, siyaasadda se ku cusub. Waxa aan ka rabaa kartidii iyo hal abuurkii uu ganacsiga iyo tacliinta ku muujiyay in uu geeyo dawladda hoose ee nolosha dadka waxbadan ka maaraysa.

WAKIILLAAD AWDAL: Mukhtaar Xasan Maydhane oo ah nin aan ku ogahay khibrad iyo karti, lakiin waxa ka sii muhiimsan ee aan ku xushay ay tahay in aanan uga walwalayn in uu noqdo fadhiid aan cod lahayn oo codkii la siiyay khasaariyay iyo cod buuq badan oo shaqo yar toona. Waxa aan ku tirinayaa dadka haddii la doorto isbadal ka gaysan doona siyaasadda iyo shrci dajinta.


WAKIILLADA MAROODIJEEX: waa Barkhad Jaamac Batuun oo aan ku xushay in uu yahay cod tayo iyo tamar leh oo dadka tartamaya agtayda mid dheer, taas oo ah in uu badali doono sooyaalkii ahaa in xubno aan miisaan lahayn ay ka soo galaan golayaasha beesha shanaad. Ulama rabo in Barkhad codka lagu siiyo tabaruc sida aan ka dhadhansado dadka qaar, waxa aan ula rabaa in uu yahay siyaasi mutaystay.


Haddii uu Eebbe uu ii suuragaliyo in aan codeeyo, Afartaa labadood in aan u codeeyay igu ogaada. Goobta aan ka diiwaangashanahay labo ayay ii saamaxaysaa, lakiin waxa aan u shaacinayaa in la igu ogaado la ilana arko. FAATAXA.


Comments


Ila wadaag waxa ay kula tahay

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page