CASHIRKA UGU CULUS EE DOORASHADII 31 MAY
- theabdillahiraage
- Jun 6, 2021
- 4 min read
Ammaa Bacdu,
Codka baaxadda aan hore loo arag leh ee ay heleen Barkhad iyo Mooge oo halkudhagyo isbadal la soo shirtagay laguna bartay, soo bixitaanka musharraxiin badan oo odayaasha reeraha iyo hantiilaydu ayna wadan, sida wayn ee loogu riyaaqay, looguna diirsaday dacal illaa dacal dalka oo dhan guusha ragga lagu bartay isbadaldoonnimo sida Maydhane iyo Hero iyo sida looga xumaaday kuwoogii waayay cod ku filan oo booska u gooya waxa ay caddayn u tahay inta ay qiime yari gaadhsiisantahay sheekada tidhaahda "Isbadal Doonnimadu Maxay Tartaa Reero Ayaa Codeeya e" iyo inta ay xikmadda ka fogtahay xikmad la moodka ku dardaar warisa "waaqicu waa reero, wax aan reero ahaynina ma jiraan--macnaha ma jiri karaan--ee reeraha ha la isku dhiibo"!
Sidaa marka aan leeyahay uma socdo in aan ku celiyo kilisheeyada* la daaliyay, muc iyo macno toona aan lahayn ee ka bilaabma "qabiil waa qudhun, qabyaaladda aan iska dhaafno, qofka shakhsiyaddiisa ha la eego, aqoon waa in wax lagu doorto" iwm.
Waxa aan u socdaa in aan muujiyo qabiilka xajmigiisa caadiga ah marka la siiyo, inta uu le'egyahay lagu arko waxa dhacda in la arki karo, la adeegsan karo, laguna guulaysan karo saameeyayaal badan oo ka madax bannaan. Waxa la ogaadaa in aanu caqabadda la sheego ku ahayn isbadalka, aanu xumaan wada ahayn iyo in aanu waaqaca qudha ee jira iyo haybta qudha ee qiimaha leh toona ahayn. Waa wax ka mid ah waxyaabo badan, lana falgala, saameeya, saamoobana.
Haddaba; maxaa keenay in uu dood kasta oo isbadal ka hadasha gabagabadeedu noqoto "qabyaalad ayaan meel laga maro jirin"?
Doodo la xidhiidha isbadal siyaasadeed marka ay furmaan, ee la isla nacdalo sida waaqicu yahay, la islana qiro in nolol tan ka habboon la muto ayay timaadda waydiinta ah: Maxaa la yeelaa?
Runtii waydiinta dhabbadu waxa ay laan ka tahay jawaabta laga bixiyo dhanka loo socdo iyo sida loo fasiro waaqaca la noolyahay. Waydiimaha ah: Maxaa la rabaa? Iyo Sidee wax yihiin? Jawaabahooga ayaa sees u ah dhabbada la mari karo oo lagu dul dhisaa.
Sidaas si ka duwan, doodeheennu waxa ay ka bilaabmaan dhabbada, dhanka loo socdana meel la is la yaqaan, la is lana ogolyahay ayay ula dhaqmaan. Sifaynta maxaa jira su'aalba la iskama waydiiyo. In la diidanyahay oo qudha ayaa ka asal ah! Sidaas oo ay tahay, dhabba kasta oo laga fikiraba waxa lagu gudbaa qabyaalad! Sababa? Oo sidee?
Waxa ii muuqata in ay dhawr lakab isa saaranyihiin, kallifeenna in sida wax loo fahmo, loo fasiro iyo sida wax loo xalliyaba fahankaas qudhi uu liqo.
La'aanta fikir ka jawaaba, si dhab ah, haba ka dhantaalnaado e, waydiimahaas aan hore u soo sheegnay waxa uu ka dhigay isbadaldoonnimada dhanba halkudhag qudha, guntiisu madhantahay, caamo caanbaxday oo indha la'na xambaarsantahay. Lakabkaas waxa fuulay xarfaan xoolaysi iyo awood doon u soo tafoxaydatay, halkudhagyadan madhan ee aan wax loo qabto lahayn, fikir badanna u baahnayn, dadkuna u dhagonugulyihiin cidlo ka helay oo intaan xasuusannaba ku xoogsi tagaayay, heer ay gaadhay in laga dido, oo calaamado halista lagu garto loo aqoonsado cidda sidata halkudhagyadaas kuna hadaaqaysa waxa ay qabyaalad-diidku ku hadaaqaan. Waana gar in laga dido markaas e.
Labadaas waxa saddexeeyay dadka aan u aqaab Tol-u-toobadkeenayaasha. Dadkani qalbi xaadhni, maangaabni, badawnimo, khibrad yari, riyo-ku-noolnimo iyo daacadnimo mid ay u celiyaanba dad qabyaalad-diid soo ahaa, ku soo hadaaqay halkudhagyadaas madhan, ku hungoobay ama ugu yaraan arkay in lagu hungoobayo iyo rag reerahooga ku dhexjira oo qudha in ay wax dheefsanayaan, saamayntana helayaan, dabadeedna isku canaantay intii ay tolkood ku caasiyoobeen, una toobad keenay weeyi.
Dadkan, oo aqoonyahay, wadaad iyo indheergarad u badani waaqica inta ay dib u eegeen sida uu yahay uma fahmin. Sida ay tahay in loo fahmana uma fahim. Fasir is haystana kama bixin. Waxa ay dib u rumeeyaan riwaayadda maxaliga ah ee reerkooga, oo badi ah dhibbanenimo. Qasab maaha in ay qaldantahay. Tol iyo kabba waa lagu dhex jiraa kuma joogaan e, inta badan cunsuriyad, isla-sarrayn iyo isirnacayb ayay u gudbaan halkudhaggogu waaqicinimo iyo tolkaa daacad u ahaw isaga oo uu yahay.
Saddexdaas lakabba waxa waraabiya fikir ahaan, fikir gumaystihii iyo hadhaagiisii laga dhaxlay oo asalnacayb (self hate) ku salaysan, dadka maxaliga ah dadnimada ka qaada oo ku caan ah sheekooyinka "Dadkani dawladnimo uma qalmo, ma gaadhin, ma hanan karo, badaw aan wax fahmi karin weeyi, xadaarad ma laha" iwm. Khibradda nololeed ee bulshada oo milyan cayn u taallana ku soo kooba reernimo, qofkana kalinimada ka qaada, garaadkana ka siiba oo sidii wax dardaran ku sifeeya "kollay saw tolkii uun tagi maayo"! Sidii oo uu sinnaba wax kale u samayn karin, taladiisana kaligii qaadan karin, hal marna allaha ka yeelo e. Ama sidii oo xaaladda reernimadu aanay dano iyo duruufo lahayn, wax caqlaani ah oo la fahmi karana anaay ahayn. Ama wixii "qabiil" lagu ladhaa in uu si otomaatig ah u nijaasoobayo. Ama sidii oo aanu qofku isbadali karin. Siduu isku badali qofba maaha e.
Habfikirka caynkan ah, dawladdii gumaysiga ka danbaysay ee kalitaliska u badnaa aad ayay u maalgashadeen si ay cilladda bulshada ugu celiyaan iyaguna ceeb ka saliim u noqdaan. Waa kii Muuse ku qudbadeeyay "Dadkaygu way waalanyihiin"!
Intaas marka aan idhi, aan hoosta ka xarriiqo in aanu isbadalku ila sahlanayn. Runtii waxa aan qabaaba in xajinta xaalku sida uu yahay ka sahlantahay ka midho dhalinta isbadalka. Cago dhul ku xajisashaduna ka fududdahay ku dhaca isbadal samaynta. Waxa uu rabaa fikir waaqaca fasira, barri sawira, dhabbadana jeexa. Fidintii ayuu rabtaa. Dadkiisa diyaarintii uu rabaa. Garbiyayaal waayaha iyo wakhtiga ah ayuu rabaa. Naf iyo maal hur ayuu rabaa. Dareen, kalsooni iyo isku hallayn dadwaynaha in lagu beero ayuu rabaa.
Laakiin, intaas oo dhan iyada oo aan la isla gaadhin, hadal iyo halkudhagyo habboon, doodda oo dadwaynaha loo bandhigtay, mawqif muujin iyo waxoogaa dad is barid ah ayay doorashadan dadwaynuhu ka soo jawaabeen, cod wayn kaga soo jawaabeen, kalsoonina ku bixyeen oo ku taageereen raggii intaas la shir yimid.
Ragaas la taageeray cidlo socod ma ahayn, tolkoodna way wateen, dadku se cillad uma arag taas, wuxu u hiiliyay mawqif iyo hadal wixii ay la wadaageen, wuuna beeniyay lakabyadaas saddexda ah iyo bu'da ay ka soo biyo cabayaan kuwa isabadlka mar la arag ka dhigay ee sida nabi ka dalbay mucjiso yidhina "iillaa dawladnimo xalaal ah laga helayo…." sidii oo ay samada ka iman doonto hal mar, ama wax aan dhicin ka dhigay ee ku dardaar wariyay sidii waayeel soo jabay "hadal muxuu taraa reero ayaa codaynaya e". Codee dadkii reeraha ahaa wax aan ku cajabinna dooray. FAATAXA.
----
*Kiliisheey: Wax macno ku fadhiyay, lakiin sidii loogu celcelinayay macno beelay.





Comments