top of page

"Dhabbadu waa Aakaha" ... Qudbaddii Rantiisi ee Dabbaha Xorriyadda Falastiin

  • theabdillahiraage
  • May 10, 2021
  • 3 min read

Updated: Jun 5, 2021


ree

Ninkani waa Cabdicasiis Alrantiisi. Waa hogaamiyihii labaad ee Xamaas, mid ka mid ah kuwa ugu ballaadhan dhaqdhaqaaqyada gobonnimo doonka Falstiin, ahna ka hadda ugu muhiimsan.


Qudbadda taswiirtani waa soddameeyo sanno ka hor. Waxa ay taariikhda ku gashay qudbaddii "Dhabbadu waa Aakaha". Wuxu la hadlayaa dadwayne sacaboolay u badan, xilli ururkiisu curdin ahaa, hubka Falastiiniyiintana Aake iyo wax la mid ahi ugu waynyahay.

Wuxu hadlayay xillii kacaankii Falastiiniyiintu soo guryo hoyday ka dib soddomeeyo sanno oo dibadda uu ka soo halgamayay, dalalka Carbeed ee soohdinta la leh Falsatiinta la haystana ay isku soo wada dheceen, oo laga soo wada saaray. Xilli dunnida awooddeedu iskugu dibodhacday Maraykan, walaalka wayn ee Israa'iil, cadaadiskii lagala daalayna uu gaadhsiiyay in hubka la dhigo, halganka hubaysan la joojyo, ismaamul daakhiliya oo aan wax macno leh gacanta ku haynin, amaanka Israa'iina suga loogu badalay waxaas oo tanaasul ah. Xilligaas uu "Dhabbada xorriyadda ee qudhi waa qori" lahaa, dad oo dhan nin waalan ayuu ula ekaa kuwa sidiisa riyoonayay mooyaan e. Dad dagaal ka soo daalay, waxba aan yaraysan, taageero gobol iyo tu caalam toona aan haysan, miisaanka awoodaha oo dani ka janjeedho, oo madaxdoodii sidaa qirtay, hub ka faro madhan, xoolo iyo xeelad ay isku hubeeyaanna aan lahayn ayuu halkudhagyadaas ugu baaqayay. Nin caadifadi qaaday oo dadkiisa halligaya ayuu ugu muuqday xikmad badantii xilligaas.


Maanta, garabka hubaysan ee uurukiisa iyo ururrada la jaalka ahi waxa ay gantaalo midkood magiciisa ku suntanyahay, 200KM na gaadha ku garaacayaan Talaabiib, Casqalaan iyo magaalooyinka la midk ah. Bilawgii qarnigan, markii la bilaabay tijaabinta sawaariikhdan 3KM ma dhaafi kirin waxana la barbar dhigi jiray rashta caruurtu ku ciyaarto. Maanta waxa ay ku ciyaarayaan nidaamka ugu horumarsan ee difaac cirka iyo saaruukhyada ridda dheer dunnida jira.


Sidoo kale maanta, dayuurad bilaa duuliye ah oo hubaysan ayaa inta ay Qasa ka duushay soo duqaysay koox askar Israa'iili ah fadhigeediina ku soo nabad noqotay. Mashruucaas waxa dhidibbada u taagay injineer rayid oo reer Tuunis ah, dayuuradaha duuliye la'aanta ahna jecel. Tijaabooyinka markii uu ku samayn jiray xeebaha dalkiisa wuxu qornaa faqiir wax caashaqay oo dal dib dhacsan ka dhashay waligiina wax macno leh samayn doonin. Samee, naftiisana u bixi oo Moosaad ayaa khaarajiyay.


2005 tii ayay Israa'iil uga baxday Qasa amni xumo. Waagaas waxa ay u adkaysan wayday Aake, baastoolad iyo bam gacmeed askarteeda iyo xarumaheega lala beegsado, lagana baxsado. Maanta, dabbaadaddeeda ugu horumarsan ee Mirkaafaa ma awooddo in ay u gudubto dhanka kale ee khadka kala sooca ciidankeega iyo ciidanka muqaawamada, waxa sugaya miinooyin maxali ah oo samayntoodu madbakh ka soo bilaabantay, dhawrkii dagaal ee horana xanjo ka dhigay.


Qudbaddii "iska caadifad hadalka ahayd" wakhti wayni kama soo wareegin cimriga ummadaha, gobolka go'doonsan ee Qasa se maanta waxa yaalla sawaariikhdaas iyo dayuuradahaas oo aan khariidadda Falastiin meelna seegaynin, miinooyin, bambooyin, rasaas iyo qoryo uu ku jiro ka shiishku oo dhamaantood Qasa kagu sameeyay, hadhaa hub hore, hub la soo tahriibiyay iyo farsamooyin cusubba laga sameeyay, cidna aa loo daba fadhin.


Hubkani ma awoodo in uu dal xoreeyo. Lama fikiri karo xataa in la barbar dhigo hubka Israa'iil. Israa'iil waa dalku ugu tignoolajiyad hub horreeya dunnida Maraykan ka dib. Dadaalkii galbeedka oo midaysani u galay in ay ahaato dal gobolka oo dhan oo la isku daray ka hub sarreeya ma khasaarin, LAAKIIN hubkani wuxu awooddaa in uu bandoo ku soo rogo Israa'iil oo dhan, dhaqaalaha qallajiyo, xanuujiyana si aad ah dawladda iyo dadwayneheegaba, noloshoodana caabsi u joogteeyo. Sidoo kale wuxu awoodaa in uu is difaaco oo aan gobolka saldhigga u noqday loogu soo galin.

Afar dagaal oo waawayn oo Israa'iil ku qaaday Qasa tan iyo 2008dii midna kuma guulaysan, dhamaantoodna miiska wadahadalka ayay ku dhamaadeen, oo si uu dagaalku u joogsado waxa ay bixisay qiime xuquuqda, nolosha, dhaqaalaha iyo nabadda Falastiiniyiinta la xidhiidha.


"Wixii rag u kaco, rabbina aqbalo wuu rumoobaa". Rabbi qabriga ha u nuuro Rantiisi, Sawaawi iyo rag badan oo tijaabooyinkoogii koobaad "Waalli, Riyo, Shuqul Carrrur iyo Caadifad" lagu suntay, dhisay se saanad madaxbannaan oo miisannada badashay. Aadamaha Falastiinigu dhibbane in xanuunka lala dareemo u baahan oo qudha maaha. Waligii ma ahayn. Tan iyo 1919kii Falastiin gumayste uma dagin, halganna kama kala joogsan. Falastiinigu waa halgamaa illaa ciddiyaha ku dagaalama, xabbadda samaysta, hadduu waayana dhagaxa tuura, dibadbaxa, marka uu helana tabobarta. Waa se halgaamaa dunnidu isku tagtay, irridwalba laga xidhay oo tolxumo hayso, gumaysiga ugu guunsan dunnida maanta, ugu farsamo iyo taageerada badanna la hirdamaya.

Falastiintu waa astaanta karaamada aadame, waa xubinka nool ee dadka Muslinka ah maanta, waa wax kasta oo ummadda inteeda kale noqon kari wayday, Xor go'aan leh, tiisana u nafhura.

Recent Posts

See All

Comments


Ila wadaag waxa ay kula tahay

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page