ASKARTU IMISA NAF BAY INNAGA QABAAN?
- theabdillahiraage
- Jul 5, 2021
- 3 min read
Dugsigaygii dhexe, Ubaya Binu Kacab waxa loogu fadhiisan jiray imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiga sare loogu gudbo. Fasalka todobaad in aan ahaa ayaan filayaa markii ilaalo ciidan ah oo imtixaanka sannadkaasi la socotay wiil ku dishay xabad nool isaga oo ku jira kabad uu ku gabbaday ka dib markii isaga iyo kuray kale agagaarka dugsiga askartu xabbadayn kaga soo eryatay. Dugsigii maalinkaas dabadeed imtixaan looguma fadhiisan illaa aan jaamacadda ka galayay. Hadda kama war hayo.
Dhawr dibadbax oo aan u joogay waxa ay ku dhamaadeen dil xabad hoos kas loogu dhigay ay keentay. Mid ka mid ah waxa dhigayay hiliblayda, waxana loo dalbaday ciidan milatari ah oo baroon dibadbaxayaashii iyo saxafiyiintayadii meesha joogayba nagu kala dareeriyay. Soomaalilaan dibadbax aan dhimaso ama dhaawac askartu gaysan ma xasuusto.
Koobkii gobollada ee Boorama lagu qabday dhawr sannado ka hor dhawr cisho oo isku xigta ayay dhimasho ka dhacday. Xabad askari si toos ah hoos ugu dhigtay meel boqolaal qof joogaan. Heer la joojiyayba.
Maalin kasta muuqaallo waynaga ku aragna askar arxan darro dad u karbaashaya. Inta muuqaalladu ayna inna soo gaadhin maqalkeega ayaynu haynay oo dad soo maray ayaa ka maragkici jiray.
Waxa aanan illoobin, una malaynayn in aan illoobi doono sheekooyinkii taxanaha hororka ahaa ee ay noo warin jireen kuraynimadii saaxiibbada loo xidho dagaallada kooxaha, xaafadaha iyo qoysaska. Xafladaha cadaabka joogtada ah ee la marin jiray. Magacda ay xafaldahaasi kala lahaayeen. "Soo dhawaynta", "ma anaa ku keenay adigaa is keenee"! Biyaha sallaadda subax lagu radiyo ee dhaxanta inta la dhigo qofka laamaha geed magac lahaa oo aan illoobay lagu karbaasho. Seello bahal la yidhaa oo qofka leeg, lagu xareeyo oo aanu taakana dhinac u nuuxsan karin iwm.
Dhacdo kasta marka ay dhacdo inta kali laga dhigo ayaa khalad qof loo digaa. Haddii se la isku qaado, lana isku xisaabiyo dhacdo kasta oo la xidhiidha askari iyo rayid isgaadhay waxa aan si cad u arkaynaa in gaboodfallada la kaliyaynayaa "sida caadiga ah", dhaqanka iyo caadada yihiin.
Tabobar iyo racliin xumo way jirtaa. Sidoo kale islaxisaabtan la'aanta ayaa caabuqan fidinaysa. Qaboojinta, dajinta iyo dul ka salaaxidduna dayr ayay u tahay. Wax ka sii daran halka dadka la ciidamiyaa ka imanayaan. Dad nolosha kale wax ka keeni waayay, jabhad iyo maleeshiyo beeleed hore iyo meelaha qaarkood dadka ka laba noqda saldhigyada ee loo taagwaayo ayaa la askariyeeyaa.
Dad xanuunno maskaxeed qaba oo askar ah ayaad arki. Kuwo adiga aan dhakhtarka ahayn aan kuu dhuumanayn! Waxa aan aad u xasuustaa nin waalan oo boolis ahaa, magac wayn na lahaa oo aanan rabin in aan magac dhabo. Ninkaas la isla ogaa xanuunkiisu hawlgallada maalinlaha ee booliska ayuu qayb ka ahaan jiray!
Dadkaas ayaa qalab wax dila iyo fasax ba la siiyay.
Intaas oo dhan se waxa ka muhiimsan doorka ciidanka sida ciidanka, madaxda iyo askartu u aragto. "Askarigu waa saaxiibka dadwaynaha" ayaa gidaarrada saldhigyada lagu qoraa haddii se aad u fiirfiirsato dhaqanka ciidanka arki maysid wax aan ahayn in ay yihiin gaadhhayayaashada dabaqadda talisa,buuqa iyo rabshadda ka dhawra. Ciidan u diyaarsan cabudhin. Askari dadnimada darajo dallaca marka qoriga loo dhiibo o aan rayidku la sinayn amarkutaaglayntuna xeerkiisa tahay. Waa sababta wax kasta oo dhaca ayna waxba iskaga badalin haayaddan. Dhib kasta oo ay gaystaanna qalad qofeed oo madi ah looga dhigo kun jeerba ha soo noqnodo e. Waa cilladda maalinwalba ruux bari ah innaga galaafata.
***
[Eebbe naxariis janno ha ka waraabiyo e, munaasibadda qormadani waxa ay ahayd dilkii gardarrada ahaa ee askarigu ugu gaystay Jaamacadda Camuud Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo arday ka ahaa jaamacadda.]
Comments