BAAQ SHACAB, SOOMAALILAAN JIRE IYO BAKHTIGA AAN DULJOOGNO.
- theabdillahiraage
- Dec 27, 2020
- 2 min read
In dhawayd, dood siyaasadeed Soomaalilaan ka dhaca waxa ugu cuslaa saddexdan 1) Tabliiqii siyaasadeed, 2) Saami qaybsiga iyo 2) Baaq shacab. Saddexduba waxa ay ka yimaadeen nidaamka siyaasadeed dibaddiisa, cid aan ku nidaamsanayn haykal bulsho ama mid siyaasadeed ayaana wadday (xisbi/urur/iskaashato iwm).
Xaqiiqadaas qudha ayaa ku filan in ay innoo sheegto Maroodiga aan hortaagannahay in uu dhintay.
Labo waxa ay ku baaqayeen mabda' bilaw ah, fudud oo cadceedda ka cad oo ah caddaalad iyo sinnaan siyaasadeed, midka kalena wuxu tirinayay mushkilado aynu la noolnahay iyo xaqiiqooyin iyagu caddayn iskugu filan oo aynu qofqof u ognahay, haddana waxa ka dhashay murankii iyo kala safashadii aynu ogayn.
Mar kale, nidaam siyaasadeed oo waa dimuqraadi la yidhi, ayaa heerarkiisa matalaad ee guurti, wakiillo, golayaal deegaan iyo xukuumad leh iyo qaybihiisa siyaasadeed ee leh xisbiyo, ururrro bulsho, iskaashatooyin, ururro xirfadeed iyo saxaafad ayaa mabda'aas bilawga ah iyo tirintaas xaaladaha la wada ogyahay qaadi kari waaway, cidhiidhi ku noqday, dhinacna ka wada noqday badidiis oo u dulqaadan kari waayay.
Mar saddexaad, xaaladdu iyada oo sidaas ayay tallaabada siyaasadeed ee geesimada ay leedahay qaadisteedu tahay sexeexidda baaq war cad caddaynaya iwm, oo dadka intaas leeg, ee jarib siyaaseed oo soddan jirsaday la nooli ayna samayn karayn haykal siyaasadeed oo badal ah, inta nidaanka ku jirta ee iskugu milantay sida shaax iyo caanihii, sida kimis dhawr jeer la qooyayna inta ay iskugu boshoqday haddana isla qallalay lid ku ah, baddal ka ah, dadkana wada gaadha.
Xaqiiqada fajacisa ah waataas. Wayni se wax ay ka qabto halmar isha kuma wada qaban karno, waxa aynu u haysannaana kolba inta aan ku beegannahay uun in ay tahay inta bakhtiga ahi.
Abaartaas siyaasadeed shalay waxa ka soo baxay baaq kale oo Soomaalilaan Jire la magac baxay. Ciwaankiisa ayaaba sheegaya heerka cabudhinta iyo shoofeeninimada nidaamkuba gaadheen. Dhan kale wuxu sheegayaa heerka liciifnimada jamaahiirtq, habaysnaan la'aanta, qalaylka aragti iyo cidhiidhiga nidaamka siyaasadeedba wada gaadheen oo keentay in dhalad dhulkoogii joogaa ka sii walwalaan in shisheeyenimo lagu eedeeyo haddii ay arrin siyaasad ka hadlaan, iyaguna liqaan, oo inta ayna tallaabo qaadin, falka siyaaseed ee ay qadi doonaan u abtirshaan si aan dalka looga sheegan!
Sidaas oo ay tahay, baaqani falalkii hore ee siyaasadeed tallaabo ayuu ka horreeyaa, oo dalabyo jiridda taabanaya ayuu keenay. Waxa ugu mudan kuwaas b) dastuur wax ka badallid, t) furidda nidaamka siyaasadeed ee xidhan oo ay ku baaqeen in xisbiyada la furo, furnaadaanna, musharaxnimada madaxa bannaan la jideeyo, xisbiguna liis xidhan noqdo oo matalayaasha qof qof aan loo dooran, j) in saddexda waaxood ee qaranka si cad loo kala sooco, garsoorkuna si cad u madax bannaanaado.
Dib u noolaynta siyaasadeed ee Soomaalilaan baaq bilaw xattaa uma aha, haykallo siyaasadeed oo dadka danahooga matali kara, dareenkoogana cabbiri kara ayay rabtaa laakiin halka aynu joogno, tani waa tallaabo dheer oo dhiirigalin mudan, ta kalena in ay u gogol xaadho ayaa dhacda. FAATAXA.
Comments