top of page

Jidka Maqalle: Murugsanaanta Mawqifka Soomaalida Itoobiya

  • theabdillahiraage
  • Jul 17, 2021
  • 3 min read

Updated: Jul 18, 2021


Siyaadda, awoodda iyo taladu waa waxyaabaha ugu dhaw ee matali kara murugsanaanta iyo xaglo badnaanta shaqsiyadda aadamaha. Isburinnada uu qof qudhaati xambaarsanaan karo waxa ugu dhaw ee xambaari karaa waa xaalad siyaasadeed. Arrinka iyo lidkuusu, meelaha yar ee ay si joogto ah ugu kulansanaan karaan, shakhsiyadda qofeed ka sokow, waa xaalladda dal ama daraf siyaasadeed.


Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa kaga dooday barnaamijka Biibiisida ee “Wold Questions” xilliyadii uu hirgalay isbadalka deegaanku in Itoobiya ay joogto xilligii ay sooyaalkeega casriga ah ugu nabadsanayd. Waxa uu ka jawaabayay eedayn xulafada talada haysa ee ku timid kacdoonkii Oromada loo jeedinayay oo ahayd: nabaddii dalka ayaa faraha ka baxday. Wuxu soo daliiliyay in, tusaale ahaan, Deegaanka Soomaalidu siddeetan sanno oo Itoobiya gacanteeda uu ku jiray aanu nabad ku seexan isbadalkan ka hor. Dadka xilligaas nabad xumada ka hadlayay, waxa ay ku abtisanayeen fikir Itoobiya u yaqaanna deegaannada Amxaarada, Caasimadda iyo haddii laga tagi waayo dhulka Xabashida si guud. Muwaadinkana Xabashida iyo dadka Xabashiyoobay. Haddii inta qeexitaankaas ku jirta dad iyo dhul ay nabad ku ladaan, dalku waa nabad. Khalkhal haddii uu intaas nabaddooda galana dalku nabad maaha.


Maalinkaas Mustafe wuxu ku jiray safka isbadaldoonka. Dib u qeexidda Itoobiya iyo Amxaaranimmo ka siibka. Qoomi Soomaali ah, halgannadii Soomaalidu boqortooyada iyo Jamhuuriyadda buuralayda la gashay xambaarsan, Itoobiya cusub oo qoomiyadaha, dhaqammada, afafka iyo sooyaallada wada xambaari karta u ololeeya. Raba mid sooyaalkeegii gumaysi qiran karta, dimuqraadi ah oo dadku xor yahay.


Waxa uu lid ku ahaa waagaas, wa ay barnaamijkaas isku muteen iyo guud ahaan codka la dhacsanaa kalitalisnimooyinkii abid kala dhaxli jiray talada, caadi la ahayd xasuuqyadii, barakicintii iyo barabixintii dadyawga dawladdu xoogga ugu timid. Boobidda dhulkooga iyo khayraadkooga iyaga oo ka qatan, qoxootiyana kaga jira. Safkani cilladaha dalka oo dhan wuxu huwinayay bidcada TPLF la timid ee ahayd Federaalka Qoomiyadaysan ee aqoonsan xuquuqaha ummadaha kala gaddisan iyo dhaqammadooda. Xaqna u siinaya ismaamulka. Waa qaaciidada kala qaybsanaanta iyo dagaallada sokeeye ayay lahaayeen. Haddii nimankii keenay la ridayna, khashinkooda ha laga daba daadiyo. Kab iyo xaarkeed saw la iskuma tuuro?


Maanta oo muuqaalka siyaasaddu isbadalay, Itoobiyana dagaallo sokeeyo oo kala duwan ku jirto waxa toocsiyada taariikhda ka mid ah in deegaanka Soomaalidu ka mid yahay goobaha ugu nabadsan uguna daggan. Toocsi taariikheedkaa hore waxa kaga sii fog fajaca, in Mustafe mar kale kor u qaadayo khidaab ka shidaal qaadanaya xasuuqqii taliska TPLF uu Soomaalida deegaanka u gaystay si uu saf ula galo, waa ta ugu qosolka badan e, agoontii Mingiste, ubadkii Xayle Salaase iyo kuwa xambaarsan dhaxalkii Mililig iyo sooyaalkii boqortooyada Xabashiyeed.


U malayn maayo cidhiidhiga uu maanta Mustafe ku jiro in siyaasi Soomaaliyeed hore u galay. Halyay xuquuqda aadanaha u soo dagaalamay oo dhiniciisa ka difaacaya isir nadiifin socota. Nin xaqa Soomaalida u taagan oo la safan awoodo u taagan Itoobiya mid ah, awood dhexe ah, Xabashiyaysan soyaal iyo fikirba oo uu horkacayo Abiye Axmad oo haysta ballanqaadka samada ee “boqorkii todobaad” in uu noqonayo. Heer uu maqaal caato ah waa dhexdaas ah Aljasiirada Ingiriisiga ku faafiyay isaga o TPLF ku eedaynaya in ay arki kari wayday mid ahaanta shucuubta Itoobiya iyo in ay ku beertay sun kala qaybsanaan qoomiyadeed la yidhaahdo!


Maanta saraakiishii Soomaalida ee TPLF u shaqaynayay waa xor. Qaarkood ururkii xornimadoonka ee OLNF ayayba gunta u fadhiyaanbaa la yidhi. Ciidankii dadka ay ku cadaabi jireenna waxa loo dirayaa in ay u soo aaraan xanuunkii ay dadka gaadhsiiyeen isaga oo u adeegaya siyaasad, ta cadawga maanta, madaxdii shalay iyo fallaagada waqooyiga dalka joogtaa ay uga dhawdahay danaha Soomaalida!


Saaxiibbada Soomaalida, iyo dabcan dadyawga kale ee lagu gumaystay boqortooyadan xabsiga ummadaha lagu naanayso waxa ay ku jiraan jeelasha Oromiya iyo duurkeega. Waa haddii saaxiibbo iyo danwadaag la noqon karo e.


Lakiin, illeen qadarku wuu ka toocsadaa aadamaha e, sidaas ayuu codka ugu maangalsan ee siyaasadda Soomaalida Itoobiya yahay Mustafe! Awoodaha kale ee macnaha lihi waxa ay hor kuudadaan xafiiska boqorka todobaad, nabiga samadu u soo dirtay badbaadinta Itoobiya, si ay uga iibiyaan in ay, ninkaas madaxa adag ee Ina Cagjar iyagu uga baarrisanaan karaan.


Mar kale, Soomaali col horteed ayay jabtay.

Recent Posts

See All

Comments


Ila wadaag waxa ay kula tahay

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page