top of page

30 Sanno ka dib 4 Feebarwari 1991

  • theabdillahiraage
  • Feb 3, 2021
  • 3 min read

Maanta waxa 30 sanno laga joogaa 4 Feebarwari 1991. Maanta oo kale ayay xoogaggii SNM qabsadeen galbeedka dalka bididiis. Qabsashadaas waxa ku lamaanaa xasuuq maati aan loo aabbo yeelin cidda ay xabaddu helayso iyo cidda ay seegayso, ciqaab wadareed iyo hanti boob. Tira koob buuxa laguma samayn dadkii maalinkaas go'ay, dadka qaar 800--1000 ayay kor u gaadhsiiyaan, qaarna 200 ayay hoos u soo gaadhsiiyaan.


Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo maatidaas iyada oo aan waxba gaabsan go'day. Munaasibaddanna waxa mudnaan leh in aan dhawr xaqiiqo hoosta ka xarriiqno.


1) Dafiraadda danbi dhacay oo dhibanayaashiisii waalid, walad iyo walaal kaga go'ay joogaan, goobjoogayaashii argagaexeega noolaaday maydadkeegana aasayna noolyihiin kama danbi yara faldanbiyeedka asalka ah, damiir qudhmayna way sheegaysaa.


2) Maatidaasi waxa ay la xaal tahay maati Soomaaliyeed oo badan oo gacanta awoodo siyaasadeed oo nidaamsan ku baxaday, dawlad, jabhad, xisbi iwm. Qaarkood waxa ay ku go'een xasuuqyo ka waawayn sida kuwii Hargaysa, Gabilay, Mudug, Muqdisho, Baay iyo Bakool iyo meelo badan oo kale ka dhacay xilliyo kala duwan. Tan oo jabhad hogaan iyo maamul leh gaysatay, kuwii Kacaanku gaystay, kuwii ciidamada shisheeye gaysteen iyo kuwa Alshabaab gaysato waa isku xeer, xoog go'aankiisu meel ka soo go'o, hogaan caymin iyo cid masuul ahna leh ayaa gaystay, wayna ka duwanyihiin lababa:


b) Way ka duwanyihiin dagaalyahannada ku go'a goob ay dagaal kaga jireen, T) Waxa kale oo ay ka duwanyihiin dadka ku go'a dagaal beeleed sababtiisu ayna siyaasad ahayn, sida baad, biyo, aano iwm dadka loo dilo.


3) Heshiis kasta oo soo dabamaray dhacdadaas caddayn ayuu u yahay e taariikhda kama tirayo, in Isaaq, Samaroon iyo reeraha kale ee Soomaalilaan ku heshiiyeen wixii hore la iskugu gaystay in la iska cafiyo, dhacdada taariikhda kama masaxayso, hal oo dhibane ahna kama hor istaagayso in uu caddaalad raadsado laakiin waxa ay joojinaysaa wareegtada aargoosiga.


4) Heshiiskaas iyo kuwa la midka ahi waxa ay ka mid yihiin wax la sameeyay waxyaabihii ugu waawaynaa, uguna qiimaha badnaa ee taariikhdeenna soo mara. Xanuunkii iyo xasuustii oo wali nool in laga heshiiyo, qadhaadhkaasna loo liqo barri awgeed ma yara, waana arrin bulshooyin badan toosh ku raadinayaan. Dadkii hirgaliyayna figta geesinimada ayay fadhiyaan.


Afartaa xaqiiqo marka aan meel ku gunudno, intanna waa in aan la gunudnaa iyadna:

- Dhiig soo daataa innaguma yarayn, ku xaq u baxay oo xuquuq lagu difaacayay, mid gabood fal loo daadiyay oo dad lagu guumaynayay iyo ku macno darro ku baxayba, lakiin naf naf ka qaalisanayd innagama bixin, dhaqannada ugu liittana waxa ka mid ah in maatti tacadi ku baxday la isku xujeeyo sidii oo mid xuskeed ta kale dilkeega xalaalaynayo, ama midi midda kale ka xurmo sarrayso kana mudato xuska iyo xaq raadinta. Adiga oo u murugoonaaya dadkii kacaanku xasuuqay ayaad u murugoon kartaa dadkii SNM xasuuqday, kaliya damiir ayay kaaga baahantahay.


- Sooyaalka dhiigga leh iyo xasuusta maatidaasi meel kasta oo ay ku baxday, gacan kasta oo ay ku baxday iyo cid kasta oo ay ka baxdayba waa in ay shidaal u noqotaa caddaalad waarta sidii cagaha loogu taagi lahaa, nabad la isku haleeyana loo dhisi lahaa iyo sidii ayna u soo noqnoqteen. Dil labaad ayay u tahay dadkaas in xasuustoodu shidaal u noqoto dagaallo kale.


Intaas ka dibna, si aan uga xorowno qolada qolyar oo taariikhda ah ku nool ee aan wali qoriga dhigin, cidda ay sooyaalka kala socdaanna malaa'iig ma qaldamayaal ah u haysta, waa in aan kobcinnaa darsidda dhacdooyinkan oo kale, sababohooga iyo natiijooyinkooga ka horna waa in aynu si faro ku yaryasi leh u baadhnaa xajmigooga, cidda wadday qof iyo kooxba, fasirna u raadinnaa waaqaca, duruufaha iyo fikirrada abuuray sooyaalkaas.


Faataxada aan u marno dadkaas, Rabbigeenna janno aan uga barino mar kale. FAATAXA.


Recent Posts

See All

Comments


Ila wadaag waxa ay kula tahay

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page