top of page

Way boqol jirsatay Boorama

  • theabdillahiraage
  • Dec 16, 2019
  • 3 min read

Tuulo buuralay togag badan ah oo dhaxashay caasimad leh faca wayn, sooyaalka iyo magaca Saylac ayay ku bilaabantay, hadda oo boqolku u buuxsamay waxa ay wali xambaarsantahay ruuxdii caasimaddaasi.


Safarkaas qarniga ah waxa ay ummadda ku darsatay far Af Soomaali. Cabdiraxmaaniya ama far Gadaguursi, oo ka mid ahayd sideed iyo tobankii farood ee loo gudbiyay guddigii Af Soomaaliga ee

kacaanku magacaabay horraantii todobaatanaadkii. In kasta oo ay soddomeeye sanno ka horaysay kacaanka, iyada iyo kuwo kaleba waxa looga tagtay farsamada qoraalkooda oo adkayd tignoolaji ahaan.


Waxa kale oo ay ka mid ahayd magaalooyinkii ummadda u horseedday habka waxbarashada cusub. Dugsi waxbarasho u nidaamsan sida reer galbeedka mid ka mid ah kuwii ugu horeeyay ayay Boorama lahayd. Dugsigaas waxa furay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur “Qaadi” oo

isku dhafay tacliintii hore sida Quraan, Hingaad, Carabi iwm iyo waxbarashada cusub sida Ingiriisi, Juquraafi, Xisaab iwm. Taariikh ahaan inta aan aqaan waa kii kaabaad, baadhis iyo caddayn bay se u baahantahay sheegistaasi. Imtixaan adag ka dib ayuu maamulkii maxmiyaddu aqoonsaday dugsigaas.


Dhankaas tacliinta waxa kale oo ay lahayd dugsi sare iyo dugsi loo hoydo kuwii ugu horeeyay Soomaali. Si gaar ah Boorama waxa ay Soomaali ugu deeqday Jaamacadda Camuud oo soo saartay kaadir shaqo oo qayb wayn ku lahaa dib u dhiska Soomaalilaan iyo Butlaan labaankii sanno ee la soo dhaafay, haddana Soomaaliya.


Dhanka fanka, Boorama waxa ay dhashay kooxdii fan tii ugu horraysay, fannaankii koobaad iyo fannaanadii koobaad ee fanka Soomaaliyeed ee casriga ah. Waxa ay dhashay Balwo Baan,

Cabdi Sinimoo iyo Khadiija Balwo.


Sheekh Cali Jawhar Boqore, Imaam Fiqi oo dhul ballaadhan oo Soomaaliyeed wax ku baray dadka, (Saylac Jigjiga, Burco, Hargaysa, iyo deegaannada u dhexeeya ayaan ka ogahay inta uu maray ee ardaydiisa iyo ardayda ardaydiisu illaa hadda wax ka sii dhigaan) iyo Xassan Sheekh Muumin, allifaha Shabeel Naagood oo sharraxaad ka caansan ayay Boorama hoy kama danbays ah u tahay oo ku jira carrigeeda. Taariikhyadnnada qaarkoodna waxa ay sheegaan in duleedka magaalada uu ku jiro qabri saxaabi ama taabici oo dhawr iyo tan qarni jir ahi (almicna intaasba in deegaan ayay ahayd lagu noolyahay).


Boqolkaas sanno waxa kale oo ay Boorama Soomaali ugu deeqday Shirkii Boorama oo aan odhan karaa waa hadyadda ugu qaalisan. Shirkaas waxa dhidbaha loogu taagay Soomaalilaan, waxana lagu qoray axdigii Soomaalilaan ka badbaadiyay xaaladda hogaamiye kooxeed ku hoos noolaanshaha.


Tuuladii yarayd oo maanta magaalo ahi waxa ay inta ay jirtay xasuusanaysaa laba dhacdo oo aad ugu xanuun badan, saamayn wayna kaga tagay shakhsiyadeeda. Midi waa duqayntii dhuumashada iyo fulaynimada lahayd ee uu taliskii Mingiste ee Itoobiya u gaystay bilawgii sideetamaadkii oo arday badan uu ku xasuuqay. Ta labaadna waa balawgii sagaashamaadkii, xilligii uu dhacay taliskii Siyaad ee Soomaaliya markii ay SMN qabsatay magaalada oo iyadna markeeda dil iyo boob aan loo aabbo yeelin ka gaysatay.


Hadda, boqol jirkeeda waxa ay tabaysaa Boorama, siyaasad iyo dhaqaale. Maanta way go’doonsantahay Boorama dhaqaale ahaan, waa magaalo wax walba iibsata waxa ay iibisaana faro ku tiris yihiin, xoogga shaqaale ee ay deegaannada kale u dirto marka laga tago. Xattaa deegaanka ay xarunta u tahay magaalooyinkiisa kale, tuulooyinkiisa iyo baadiyihiisa wax la sheegi karo oo ganacsi ah lama laha. Saddexda xad ee gobolka ay xarunta u tahay uu leeyahay-Jabuuti iyo itoobiya barriga, Xeebta oo Yaman, Cumaan iyo Sucuudi u muuqdaan-waa kuwo ganacsiga ka caaggan, gago diyaaradeed oo shaqaysana ma laha. Siyaasaddii matali lahayd danaha deegaankeeda, fursaddaa dhaqaalena ka shaqaysiin lahayd wali magaaladu ma dhalin.


Intaas ka sokow, Boorama sida magaalo kasta oo Soomaliyeed waxa ay tabaysaa u taariikhayn. Magaalo kastana waxa ay innaga mudataa in aan u taariikhayno oo aan warinta hadalka ah ka saarno qisadeeda.


Maanta dabbaaldag u qalma ayay mudatay Boorama, dawladeeda hoose ayaana ku ceebaysan. [Bil baa innaga xigta wax diyaar galaw ahina ma muuqdo]


Hambalyo BOORAMA. Hambalyo reer Boorama, Hambalyo Soomaali Maxamad.


Boqol sanno oo kale oo nimcad iyo nabad ah.


Recent Posts

See All
Ismoogaan….!!!! (2)

Jidcade boodh badan, xilli qoraxdu wixii dhaqaaqayaba dubanayso adigoo daal iyo caajis kaa muuqdo, labiskaagana aanad u soo aabo...

 
 
 

Comments


Ila wadaag waxa ay kula tahay

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page