Galabtani dil bay aad ugu habboontahay...
- theabdillahiraage
- Jan 16, 2021
- 2 min read
Updated: Jun 5, 2021
***
Galabtani dil bay aad ugu habboontahay, ur dhiig baan aad ugu harraadanahay, dilaa in aan dilaan rabaa habeenkan, dhiigiisa cabbo oo aan Ilaahay ugu dhawaado. Carmali cidlo ah in aan samirsiiyaan rabaa, cildaldeeda ka rido, furaashkeega ku qooyo biyo una abuuro raaxo oo aan iska tago.
Fadhiidnimada nolosha in aan jiidhaan rabaa, wax ka duwan in aan yeelo, iridda ku garaaco tuug wayn oo qamadigii masaakiinta cunay, marka uu albaabka furana qoorta soo jiido, si aan u carriyo kuwa soo ururi doona dabadeedna wada edbiyo, u karbaashana sidii ay bilaa qiime ah. Waxa an rabaa bikrad gashaanti caashaq hayo oo dhiigeegu dareero iyada oo qoslaysa. Dabadeedba dhagta iigu qabata hadal uu mid yidhi: Eebbahayoow, ilbidhiqsiyada ugu nabdoonna dhiigu wuu socon uun... Gabadh Qajariyad ah oo tamar iyo awood la qarqarxaysa... meeday...? Iska dhaaf naagaha lafta yar.
Waxan rabaa meerahan in aan wax ka sameeyo, magaalada dab inaan qabadsiiyo, madaxwaynaha madaxa ka jaro oo aan geed ka laadlaadiyo, ama ka sameeyo kubbad lagu ciyaaro. Noloshan dansan ee aan noolnahay waa in aan ka khajilnaa, waxa aan u noolnahay sidii raqo, dhagax cidi danaynayn, waraabe-u-taag si la wadwado u socota, ceeb weeyi, ceeb, ceeb, ceeb ayay kugu tahay aadameyahow.
***
النص الأصلي، ل مُختلْ.
هذا المساء ملائم جدا للقتل، أشعر بعطش كبير لرائحة الدم، أريد أن أقتل سفاحًا الليلة ، أشرب دمه وأتقرب به إلى الله، أريد أن أواسي مطلقة وحيدة، أكسر عزلتها، أبلل فرشها بالماء وأخلق لها المتعة وأذهب.
أريد أن أخترق جمود الحياة، أن أفعل شيئاً مختلفاً أطرق باب لص كبير سرق قمح المساكين وحين يفتح الباب، أجز عنقه وأقف لأتحدى كل الذين سيتجمعون ثم أعلمهم الأدب وأصرعهم ككلاب بلا ثمن. أرغب ببكارة صبية جامحة يسيل دمها وهي تضحك. ثم تهمس لي بما قاله أحدهم: يا إلهي حتى في أشد لحظات السلام ينزف الدم..فتاة غجرية تتفجر عنفوانًا وقوة..أين هي..؟ دعك من النساء الهزيلات.
أرغب أن أحدث شيئًا في هذا الكوكب، أن أشعل النار في المدينة، أقطع رأس الحاكم وأعلقه على شجرة، أو أصنع منه كرة للعب. علينا أن نخجل من هذه الحياة الباهتة التي نعيشها، إننا نحيا كجثث، كأحجار مهملة، كدمى تتحرك بطريقة موجهة، هذا عار، عار، عار، بحقك أيها الإنسان.
Comments