Ismoogaan..!!! (1)
- theabdillahiraage
- Dec 28, 2015
- 1 min read
Waligaaba xili xunbaad socon jirtay, Waxa halkaa ka madmadoobi waa maxay tolow? Afar dumara oo afka xidhan weeyi, Xiligan iyagna maxaa dhigay dariiqan baas ee madawga abdan.??
-Afkaaba la is galiyay, deetana inta gacmaha la isqabsaday dhankayga loo soo dhaqaaq.!!!!!
Malaha anaaba la igu soo socdaa??!!, Oo maxaa lagu waydin eed galabsatay?,
Imisaad dumarbaa wax shirqoolay maqashay, oo ninbay iskugu tageen oo dileen lagu yidhi, way dhacdaaye.
Horta maxaad godob leedhay? Waxaba, hadaa maxaa iga cabsiinaaya? garan maayo.
-La isoo gaadh anoo sidaa waalan hoosta uga shekaysanaaya, Bisinka wuxu guux badanaa??!!!
“Naa ha jees-jeesanina inaad baqaysaan yaan la idinka dareemine” ayaaan maqlay.
Qosol iyo yaab ayaa mar qudha igu soo wada dagay.!!!!
Markaasaan idhi “Maxaan ku mooday mise waxaad noqotay.??!!”
Ileen midkeenba dhankiisuu u baqaayay.
Comments