Minbarka Maxaa u Qalma
- theabdillahiraage
- Jun 1, 2020
- 5 min read
Minbarka masaajiidka xilliyqdan danbe waydiin ayaa ku socotay, waydiin ku sahabsan qiimaha waxa laga sheego iyo garashada cidda ka hadasha. Waydiintu waxa ay haystaa waxa ka baxa oo dhan, qudbad jimce ha ahaato ama muxaadaro wacdi a, darsi guud iyo mid gaara aha ahaatee. Sidoo kale waxa ay haystaa cid kasta oo ka hadasha, caalim, wadaad (mutadayin), arday iyo wadaad raac intaba.
Sharciyadda minbarka ayay waydiintani ku gaadhaa, oo waxa miiska saaran marmar badan in uu minbarku yahay—si guud, cod hanuunin iyo hagaajin, iyo in uu yahay cod hallayn iyo habaabin. Qayb ka mid codadka waydiintu ka imanayso runtii waa codad si guud diinta waydiin u galinaya, lakiin in qayb ka mid ah—waa inta ugu yar e, codadka minbarka waydiinta ku hayaa ay yihiin kuwo aan Eebbe, Kitaabka iyo Rasuulka qadisayn, minbarkana ula dhaqmaya meel ka mid ah meelaha laga hadlo kama dhigna in cid kasta oo minbarka waydiin galinaysa ay tahay cid diinta waydiin galinaysa, cidna gar uma siinayso goob karaamadaas leh in ay sida ay doonto ugu tagri fasho, sidoo kale waxba kama jiraan kama dhigayso eedaha loo jeedinayo cidda minbarka saaran, iyo cilladaha minbarka ka jira, oo asal ahaan haysta, dhibayana muuminka minbarka karaamaynaya.
Si duuduuban haddan cilladahaas u tiriyo, way iman doontaa xilli aynu faahfaahinnaaye waxa ugu horaysa:
1) Musuqmaasuq ku fuulka minbarka. Inkasta oo mashidku asalkaba yahay saaxad guud, dadka ka dhaxaysa oo loo simanyahay, haddana waxa weeyi hantiguud oo si gaar ah loo maamulo. Waxa masjidka lagu dhisaa hanti dadwayne oo tabaruc loo bixiyo, iyada ayaa lagu wadaa oo lagu dhaqaaleeyaa dhismaha iyo dadka ka shaqeeyaba, haddana waxa loo maamulaa—si la mid ah danteenaguud oo dhan, sidii meherad gooni ah oo garasho, dhabar-taabad, abtirsi iyo kooxaysi ayaa lagu xulaa ruuxa ka hawlgalaya. Si gooni ah waliba cidda loo ogolyahay in ay ka hadasho, aqoonta uu u leeyahay shareecada, aqoonaha kale iyo khibradiisa nololeed midna maaha ta keenta ama erida.
2) Kali-talisnimada. Taariikhdu waxa ay si ballaadhan u diwaangalisay sida uu minbarku u ahaan jiray saaxad furan, dooddana laga jecelyahay, khadiibkuna aanu gar u lahayn in uu aamusiiyo ruux waydiin ka qaba waxa uu sheegay oo ku soo celiyay. Hadda in imaamka lala hadalo ayaa ceeb iyo danbi ah, in lala dooddona hadalkeedaba daa.
Cilladahani dhamaad ma le, oo waxa ay taxan yihiin illaa micmaarka masaajiidka, masaaxadiisa, masaafadda uu kuwa kale u jiro, deegaankiisa, xilliyada uu furanyahay iyo dadka uu u furanyahay, nooca darsi ee ka baxa, ka bixi kara ama ka mamnuuca ah iyo arrimo sii dhaafsan, aan se u soo daadago ta ugu mudan oon rabo in aan yara faahfaahiyo.
3) Baaqa minbarku muxuu ugu filanyahay dadkiisa. Anoon soo aroorin waxa uu ugu filnaan jiray masaajiidku dadkiisa l, hadalka oo dheerada cabsi aan ka qabo awgeed, aan isla garanno in aanu maanta minbarku aqoon waxba inoogaga filnayn, gaar ahaan aqoon diineed, wacdiye iyo wacdiye waynaaday cid aan ahayn hadda bulshada kuma soo daraan cashirrada minbarka ka baxaa, darsi culimo soo saara Soomaali xertii waagay noolayd ayaa ugu danbaysay.
Intaas uun maaha mushkiladaha baaqa minbarka ka baxaa uu qabo.
4) Waxa aad garawsan haddaad u fiirsato in khaddibku laba ajande la soo koro minbarka, midka koobaadna yahay in uu muuminka dareensiiyo danbi iyo ducfi. Qudbadda, darsiga iyo wacdiguba waxa ay u qaabaysanyihiin in qofka dhagaysanayaa dareemo in uu yahay waslad danbiyo ah oo lugaynaysa, qurub xaaraan ah oo aadamaha ku jira, sidoo kale, waxa loo wariyaa muuminka sheekooyin run iyo gacan-ku-rimis midka ay doonaan ha ahaadeene, dhaafsan caadiminada iyo waxa qofka la filan karo, aadna uga badan waxa qofka Eebbe faray, si uu u dareemo in aanu iimaan lahayn, waligiina yeelan karin, mar haddaanu gaadhi karin meelahaas halista ah ee raggii hore gaadhay!
5) Midka labaad ee khadiibku xilligani la soo shaqo tago ayaa ah in uu qofka dhagaysanaya dhaxalsiiyo cabsi! Aragtida shirqoolka Soomaalida waxa laga faafiyaa laba meelood, mijiliska qayilka iyo minbarka. Ninka minbarka ka hadlaa, si la mid ah ninka majliska ka sheekeeya wuxu dhagaystayaashiisa galiyaa jawi cabsi iyo argagax ah, war kasta oon la hubin lakiin sheegaya in aan halis ku jirno, aan dabar go’ayo, sun la innoo qaybiyo, xanuuno la innagu beero, dhalinyarteena cid kale sida madaamadaha u jihayso, wax kasta oo bulshada ka dhex dhaca cid kale ka danbayso, lacag lagu soo bixiyay, qof kasta cidi soo maalgalisay, soo dirtay oo lagu shaqaysto iyo boqolaalka sheeko ee sheegaya in aan halis ugu jirno in aan duniddan ka cidhib go’no ayaa minbarka iyo marfashka isku si ayaa loogaga sheekeeyaa.
Quus, cabsi iyo is-hiifkaas ayuu wacdiyuhu ku beeraa dadka, halkii uu ku beeri lahaa rajo ay danbi dhaaf ku raadsadaan, iyo wacyi galin ku sahabsan ceebaha nafta ee danbiga iyo mushkiladaha bulsheedba dhala, ugu hagi lahaa is daahirin.
5) Mushkilad kale ayaa iyadna ah in minbarku ka go’anyahay bulshada, sida aanu aakhiradooda wax ugu filnayn ee uu cabsida, ducfiga, iyo niyad-jabka ugu beero, ayaanu sidoo kale aduunyadoodana waxba ugaga filnayn, inta badan aduunyadooda wuuba u daranyahay. Mushkiladaha bulshada haysta khadiibku wuxu ula dhaqmaa sidii oo aan waxba ka galin. Dhaca, kufsiga, tuugada, mususuq-maasuqa, colaad hurinta, hanti boobka, gaajada, abaaraha, qaxa, qaraxa iyo boqolaalka musiibo ee kale sheekhu mawqif kama joogsado, wacyina kama abuuro. Marka qudha ee wacdiyuhu arrimahaas warkooda soo qaadaa waa marka uu bulshada u sheegayo in ay iyagu danbiilayaasha dhagarta qaba ee dhibka galabsaday yihiin. Waa marka uu cidda eedda leh ka duwayo ee uu dadka caadiga ah ee aan awood iyo masuuliyad toona haynin dusha u saarayo! Minbarku inta uu iska daayay in uu maatida u hadlo ayuu imika u hadlaa kuwa maatida dhiba iyo kuwa dhiigmiirta.
Qadiyaddan oo kale marka la soo qaado, waxa timaad waydiin cidda mushkiladda qeexaysa ku xujaysa in ay xakeento. Mawduucan oo kale waxa ay u iman kartaa sidan: Waa mid caynkee ah minbarka aad raadinaysaa?
Eeebbe mahaddii inaan malo awaalo iyo in aan taariikhda u baadho toona uma baahni. Macalin Aw Faalalow baa ila wadaagay qudbad jimce oo todobaadkan uu galay Miqdaad Hajaan nin la yidhaah oo Suudaani a (faalada koobaad ayay ku jirtaa). Miqdaad internetka ayaan ka aqaanay, horana waxaan u dhagaystay qudbad hore oo uu galay, isagaana tusaale nool inoogu filan minbarka aan u baahnnahay caynka uu u egyahay, gaar ahaan ka ka jawaabayaa baahida aan qodobka 5aad ku tibaaxnay.
Qudbadda hore wuxu jeediyay xilligii kacaanku socday, waxa uu difaacay dadwaynaha dabtooda u soo dareeray, qayb ayuu ka ahaa oo waxa uu difaacay hablaha iyo wiilasha naftooda u hurayay birrito wacan, halka ay qayrkii minbarka daaquudka ka difaacayeen, dilka dadwaynahana sacaboolayda ahna ka banaynayeen. [Iyadna faallada koobaad ayay ku jirtaa].
Todobaadkan, oo ku soo beegmay xilli heshiis siyaasadeed Suudaan ka dhacay oo talada la qaybsaday waxa uu ka hadlay Fahanka Talada, mushkiladda uu leeyahay damaca talinta ee qofka ku beeran iyo masiibooyinka dawladdaha dunnida saddexaad ee gumaysiga ka daba yimid ku caanka bexeen, sida hanti lunsiga iyo nin jeclaysiga. Waxa uu tibaaxay sida qofka xilka loo dhiibaa, kursiga ugu adeegsado aalad hanti abuur oo uu uga taajiro, qoyskiisana uga taajiriyo.
Tusaale nool oo ay ka caddahay sida ay tahay in minbarku waaqica uga turjumo waa kaas, ma aha sida ay dadka qaar ka dhigeen in laga rabo wadaadku marka uu minbarka fuulo in dadka ka qosqosliyo, sheekooyin macaan uga sheekeeyo, inyar oo ay jeclaysanayaanna sheego ama uu tababare nololeed iskugu rogo, waxa laga rabaa waa in uu musiibooyinka ugu adag ee umadda horyaal hoosta ka xarriiqo, wacyi ka abuuro, mawqif ka joogsado , sidoo kale ceebaha nafta aadamaha ku beeran ee halaagga u hagayna ku baraarujiyo.
Si aad u kookooban ayaan qodobada yga hadlay, midna xaqiisa maan siin, kani waa arrin darsid iyo falanqayn intan ka waynba u qalmaa, ka hadalkiisu waajibay, waan jecelahay in aan u soo noqdo haddii Eebbe fududeeyo, hadda se halkaa ha innoogu joogo. FAATAXA.
Comments