top of page

Qof dhimasho U Soo Diyaargaroobay Ma Laga Adkaan Karaa?

  • theabdillahiraage
  • Nov 27, 2020
  • 4 min read

Qof dhimasho u soo diyaargaroobay lagama adkaan karo miyaa? Urur caqiido ku dhisan se?

Masiibo culus mar kasta oo ay gaysato Alshabaab waxa soo ifbaxda waydiin odhanaysa "qof dhimasho soo doontay sidee loo joojin karaa?, dad wax rumaysan oo in ay u dhintaan u soo dareeray se sidee looga adkaan karaa?". Waydiintan, qaabkii la doonaba ha loo dhigo waxa ay ku dhisantahay hal mandiq oo innagu aroorinaya qanac ah haddii qofku dhimasho u soo qoysto in aan waxba laga qaban karin.


Qanacaas marka ugu horraysaba waxa uu dadka laabta ugu ridayaa laba qodob oo xaqiiqada ka fog, oo midi yahay wixii la samayn kari lahaa oo dhan la samee, ka kalana yahay in waxa hawagallada Alshabaab suuro galinaya ee ay ku tiirsanyihiin ay tahay iimaanka qofka fulinaya, dhimasho u diyaarsanaantiisa iyo fikirka xaaladdaas gaadhsiiyay oo qudha. Kuwaasi haddii aan wax laga qaban karinna, waxba lagama qaban karo xaaladda oo wixii la qaban karay halkaas ayuu ku idlaaday.


Mararka qaar doodaas waxa lagu kabaa dood kale, oo ah dhagarqabayaashu dadka ayay ku dhex jiraan, u egyihiin oo aan laga garan karin, haddii ayna dadku haayadaha amaanka u sheegaynna sidee looga soo dhex saari karaa? Mararka kale waxa la gaadhsiiyaaba "dadkaa la jira, dadkaa sidan doonaya, dadkaa qarinaya, dadkaa caawina" iyo hadallo la mid ah.

Eedda dadka aan qof loo soo qabto lahayn loo jeedinayo iyo cudurdaarka innaga raba in aan ku qabacno in aan waxba laga qaban karin qof dhimashada la soo heshiiyay, dad inta uu la sii tagi karna in uu la tago u soo carraabayba waxa ay indhaha ka ridayaan xaqiiqooyin sahlan oo ku sahabsan sida urur u shaqeeyo, hawlgalna u fulo.


Xaqiiqooyinkaas, oo qaarkood ay yaqaannaan xattaa caruurta dugsiga hoose ku jirta ee kooxaha kubadda yagleelasha waxa ka mid ah, urur hanti ayuu kuu shaqeeyaa, kooxi hogaan hawsha faraha kula jira ayay u baahantahay, hawlina garaad qorsheeya oo kala dabara ayay rabtaa, hawlgalna farsamo, qalab iyo isku dabarid ayuu u baahanyahay.


Qof, sida uu doono dhimasho ha ugu soo diyaar galoobo e, wax ma samayn karo haddii aan hawlgalka loo soo qorshaayn, qorshana ma jiri karo xog la'aan, xogna habeen iyo maalin laguma keeno ee shabakad daadsan ayaa abuurta. Haddaba waydiintu waxa ay tahay shaqo intee le'eg ayaa laga qaban karaa si loo xididdosiibo shabakado daadsan dawladda dhexdeeda? Intee ayaa se laga qabtay?


Haddiise ay adagtahay, mustaxiil ma aha e, in haayadaha ku shaqada lihi u xididdosiibaan shabakadaha dawladda dhex daadsan, dadwaynuhu sidee ay u awoodi karaan in ay iska soocaan kuwa dhex daadsan?


Koox, sida ay doonto dhimasho ha ugu soo diyaar galawdo e, waxba ma fulin karto lacag la'aan, lacagna lama beero ee waa la sameeyaa. Baad, dhac, cashuur, qaadhaan, ganacsi suuqa lagu dhex darsado iwm ayaa laga samayn karaa. Lacagahaasi isma wadaan e dad maamula ayay rabaan, ururiya, qaadqaada, qorsheeya, qaybiya, oo ay farsamadooda ku shaqyaso. Waydiinta koobaad waxa ay tahay haddaba, sidee jeebka kooxdaas loo faaruqin karaa? Mid kalena waa sidee lacaghaaas fadhiid aan isku socon oo aan fal galin looga dhigi karaa? Ama si kale haddaan u dhigo dadka ka shaqaysiiya sidee looga shaqaysan karaa? Hawl intee leeg ayaa dhankaas laga qaban karaa? Laga se qabtay?


Koox iyo qof, sida ay doonaan dhimasho ha ugu soo diyaar galoobaan e, waxba ma samayn karaan haddii ayna farsamo jirin. Qalab qarax lagu sameeyo, hub lagu dagaal galo, isgaadhsiin, goobo laga hago oo goobta la beegsanayo u dhaw, gabbaadyo wax lagu qarsado, laguna dhunto iwm. Waydiinuhu hadaba waxa weeyi, sidee loo caddili karaa farsamadooda, gabaadyadooda gacanta loogu dhigi karaa, ilaha ay iska hubeeyaan loo qallajin karaa, qalabka suuqa yaalla ee ay iibsadaanna loo xakayn karaa? Maxaa laga qatay dhankaas? Laga se qaban karaa?


Arrimhaas iyo kuwo kale oo farsameed ayaa wax ka qabad u baahan, dadka khibradda iyo aqoonta u lihina ay iga yaqaannaan, anigu idho-indhayn guud ayaan ku milicsaday intan e. Waa meelaha ay tahay in haayadaha ku shaqada leh wax laga waydiiyo, oo lagula xisaabtamo. Ma haboona se in cadawga cir ka soo dhac aan lala dhigi karin laga dhigo sida ay yeeshay islaantii buugeeda ugu ciwaan bixisay "wixii aad ii sheegatba run bay ahayd"!

Waxa uu urur Soomaali ahi Soomaaliya ka dhex samayn karo, haayad Soomaali ahina Soomaaliya dhexdeeda way kufashilin karataa, kagana adkaan kartaa, waxase iswaydiin mudan waydiinta marwalba ugu adag ee ah "Sidee"?


Sideedaasi waxa ay keensanaysaa in wax la iska waydiiyo qaabdhismeedka haayadaha, qalabka iyo farsamadooda, aqoonta kaadirkooga, tayada maamul iyo heerka wadashaqayn, miisaaniyadda ay ku shaqogalaan, dhishibiliinka ciidanka, iyo ta ugu mudan ah oo ah masuuliyadda dayaca, heer kasta, ayaa leh.


Intaas ka dib, iyadna waxa indhosaabasho kale ah in aan filanno nidaam siyaasadeed oo aan daganaasho lahayn, go'aankiisu aanu meel ka go'in oo ayna amarrada shaqadu tinta ugu saraysa illaa cidhibta ugu hoosaysa si toos ah ugu soo qulqulayn, go'aannada wadashaqayntun darif illaa darif haayadaha kala duwan is fudud iskugu gudbaynin, in uu abuuri karo haayado amaan iyo ciidan lagu ciil baxo. Si haayadaha amaanku iskugu dibodhacaan waa in go'aanka siyaasadeed isku dibodhacaa. Nidaamku in uu isku dibodhacaana waxa ay u baahantahay muddo ka badan sideedda sannadood ee ka soo wareegtay markii doorashadii ugu horraysay ee cod awoodda lagula kala wareeggaa ka dhacday Muqdisho 2012kii tan iyo food qasaaray.


Intaas haddan idhi, dabcan waxa aanan ka tagayn doorka qancita iyo dagaalka fikir ka qaadan karo gabogabaynta kooxdan. Hawshaasi waxa ugu horeeya ee ay u taallaa waa ururradii iyo dadyawgii Maxkamadaha ku jiray, iyo fikir ahaan taageesanaa Soomaali oo dhan ee ay Alshabaab garbohooga soo fuushay, kuna soo gabbatay. Sidoo kale ururrada iyo dadyawga ay madasadda fikir ka wada cabbaan ee Salafiyada ah noocyadeedu ha battaan e ayay cid walba ka hor u taallaa. Dadaal muuqda halkaas isna kama jiro, haddii uu yimaaddana macno samayn maayo haddii aan lagu wajihin dadka uu khidaabka Alshabaab ku wajahanyahay, oo da'yarta tuulo iyo baadiye ku noosha ah, caamada aan wali ka go'in iyo dadka wakhti dheer ku hoosnoolaa ay ugu mudanyihiin.


Waa majaajillo in dad ka soo horjeeda kooxdu iskugu celceliyaan waxa ay kula khaldantahay ee ay uga soo horjeedaan asalkaba. Ilaahay ha aqbalo shuhadadii xalay iyo kumaankii ka horreeyay. FAATAXA.

Recent Posts

See All

Comments


Ila wadaag waxa ay kula tahay

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page